U bood dhigaalka

Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Maanta La Caleema-saarayo Iyo Mas’uuliyiin DFS Ah Oo Ka Qeybgalaya

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa ka soconaya qabanqaabada munaasabadda caleema-saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe, oo maanta lagu wado iney ka dhacdo magaaladaasi.

Ammaanka guud ee magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda ayaa aad loo adkeeyey, waxaana munaasabadan ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo uu ugu horreeyo guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee aqalka sare Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Abshir Axmed, madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Xildhibaanno Labada aqal, hoggaamiyeyaasha xisbiyo siyaasadeed iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa sidoo kale la filayaa in saacadaha soo aaddan ay munaasabadaasi soo gaaraan siyaasiyiin kale oo qeyb ka noqon doona Caleema-saarka madaxweyne Axmed Madoobe.

Laanta fulinta ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa diiddan doorashadii uu kusoo baxay Sheekh Axmed Madoobe, iyadoo xayiraad badan ay kusoo rogtay magaalada Kismaayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News