U bood dhigaalka

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Baardheere

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbalabd Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa magacaabay guuddiga gurmadka Fatahaadaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ka dhaceen fatahaado saameyn ku yeeshay bulshada ku dhaqan magaalada, kuwaas oo inta badan isaga baxay.
Guddiga uu magacaabay madaxweynaha ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 5 xubnood, kuwaas oo kamid ah golaha wasiirrada maamulkaas, waxaana ay shaqeyn doonaan sidii gurmad deg deg ah loogu heli lahaa magaalada oo ay ka jirto xaalad adag oo dhanka nolosha ah oo ka dhalatay Fatahaadaha Roobka.
1. Axmed Xasan Cumar -Wasiirka Wasaaradda Gargaarka & Maaraynta Musiibooyinka.
2. Maxamed Axmed Cusmaan – Wasiir Dowlaha Madaxtooyada.
3. Cabdiraxmaan Cabdi Axmed – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga.
4. Axmed Maxamed Axmed – Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Caafimandka.
5. Axmed H. Baraki – Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Biyaha.
Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa  gaaray wafadi uu hoggaaminayay guddoomiyaha hey’adda Maareynta Mussiibooyinka Qaran, Cabdulqaadir Macalin Cabdulle, oo halkaas gaarsiiyay laba diyaaradood oo gargaar isugu jira Cunto, Daawo iyo Dhar oo loogu talo galay dadka ka barakacay magaalada Baardheere.
Goobjoog News