U bood dhigaalka

Madaxweyne Dani “Gurmad Ayaan La Garab Taagannahay Dadka Ay Saameeyeen Fatahaadaha”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehlada iyo qaraabada dadkii ku dhintay Fatahaadda Wabiga Shabelle.

Dani ayaa sheegay in ka Puntland ahaan ay diyaar u yihiin xilli walbo garab istaagga dadka dhibban, islamarkaana waajib yahay garab istaagoodda.

“Puntland, Dowlad iyo Shacab ahaanba waxay la qeybsanaysaa dhibka iyo xanuunka ay wajahayaan walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelada lixaadka leh kasoo gaartay fatahaadda webiyada Shabeelle iyo Jubba, waxaana

“Waxaa lama huraan ah in laga tabaabusheysto sidii looga gaashaaman lahaa fatahaadaha soo noq-noqda oo geysta khasaaro nafeed iyo mid dhaqaale oo baaxad leh” ayuu yiri madaxweyne Dani.

In ka badan 15 qof ayaa ku dhimatay fatahaadda uu Wabiga Shabelle ka sameeyey magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Goobjoog News