U bood dhigaalka

Madaxweyne Dani Oo Lagu Soo Dhoweeyay Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo dadweyne aad u badan ayaa garoonka Kismaayo kusoo dhoweeyey madaxweyne Dani.

Ulajeedka Dani uu u tagay Kismaayo ayaa ah ka qeybgalka munaasabadda Caleema Saarka madaxweyne Axmed Madoobe, iyadoo Kismaayo ay ku wajahan yihiin mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin kale.

Ammaanka Kismaayo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo badan lagu soo daadiyey waddooyinka magaaladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News