U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni: Cid Kasta oo Shilinka Soomaaliga Diida Waa Dambi

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa  kulan la qaatay ganacsatada deegaannada Puntland, isaga oo ka hadlay arrimaha sarifka lacaga iyo lacagaha shilinka Soomaaliga ah oo muran badan ka taagnaa maalmahaan.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyey ganacsada ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in deegaannada Puntland 1$ lagu sarifo wax ka badan 35,000 oo shilinka Soomaaliga ah, waxaana uu xusay in Puntland lasoo geliyo lacago badan oo laga keeno gobolo kale sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Deni oo sii hadlayo ayaa yiri “Haddana waxaan ka shaqeynaynaa Shilinka Soomaaliga ah ilaa shilin kale oo looga guuro laga helaayo inuusan ka bixin suuqa, waa mas’uuliyad maamul maadaama meelaha kale duruufaha ka jira aan ka duruufa fiicneyn 30-kii sano ee lasoo dhaafay, meelaha kale maamulladooda ay curdun yihiin, taas waxaa ka dhashay dhibaato, dhibaatadaas waxaa ka mid ah Shilinka inuu xakameysmi waayo”.

“Waxaa aad la isku weydiiyaa maxaa gobolada kale 22,000 23,000 ka dhigay annagana ka dhigay 40,000, waa arrin mudan in la is weydiiyo, inta meelaha kale laga soo raro inta la keeno maxaa sabab u ah? Arrimahaan oo kale waxaa ay u baahiyaan cilmi waxaan u saarnay guddi darsa dhibaatadaan in la xakameeyo” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Dhanka kale Deni ayaa yiri” Tallaabo kasta oo dowladi qaado waxaa ay ka dhalataa waxaa ay ku qaadaa baahi jirta, taas oo ka dhalata bulshada dhexdeeda ayey ka jawaabtaa  mid togan iyo taban intaba, mar weliba waxaa ay go’aannada ku qaadataa maslaxada  bulshada iyo danteedu sidaa ay tahay, dowladda iyadoo dalka mas’uul ka ah ayaa haddana waxaa laga rabaa in ay bulshada u adeegto”.

Dhinaca kale waxaa uu sharaxay tallaabada la qaaday in loogu daneynaayo dalka iyo dadka.“ Tallaabooyinka aan qaadeyno waa kuwo aan ugu daneynayno, haddii tallaabada aan qaadnay oo aan u aragnay in ay dantu ku jirto haddii halka aan rabnay aan gaari weyno axba naguma ahan inaan ka noqono, laakiin daraasada aan sameynay waxaan ku kalsoonnay in ay tahay dhaqaalaha dalka iyo dadkaba dan u ah waxaan rajaynayaa inaad ku kasoonaataan Shilinka aad haysatayaan doowladdu waxaa ay idin ka ilaalinaysaa Shilinmo meelo kale laga soo waariday oo la rabo Dollarkiina iyo Hantidiinna in lagu dhaco” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Ugu dambeyn madaxweyne Deni ayaa diray digniin ku aadan diidmada Shilinka Soomaaliga ah waxaana uu yiri” Waxaan farriin inta uga diorayaa ganacsatada baqaaradooda ay ka xiran yihiin magaalada Boosaaso maanta, haddii aysan galabta 4:00 aysan furin, wixii uga yimaado oo ams’uuliyad darro ay iyaga ayaa mas’uuliyaddooda qaadayo, waxaan kula talinayaa awaamiirta dowladda kuwa ugu horeeyo ee fuliya in iyagu ay noqdaan. Waxaana rajeynayaa inuu shilinkeennu meel weliba uu ka dhaqan galo, dowlada hoose ee Puntland waxaan halkaan ka farayaa ciddii isticmaaliweyda in tilaabo laga qaado isla markaas, waxaan kaloo u sheegayaa gaadiidka dadweynaha iyo cid weliba oo la macaamisha mushtamaca ciddii shilinka diida waa dambi, ninkii isku daya inuu shilinka Soomaaliga diido waa nin hantida dowladda diiday ” ayuu yiiri madaxweyne Deni.