U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Bulshada Soomaaliyeed Ugu Baaqay Ka Qeyb Qaadashada Gurmadka Qardho

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta booqasho ku tegay magaaladda Qardho ee gobolka Karkaar oo ay ka dhacday fatahaad ka dhalatay Roobabkii ka da’ayey gobolkaasi maalmahan.

Madaxweynaha  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Bulshada Qardho la qeybsaday xaaladda Bani’aadantinimo ee ay ku jiraan, iyo khasaaraha naf iyo maal leh ee ka dhashay Biyaha magaaladda ku soo rogmaday. wuxuu Madaxweynuhu ka qeyb galay Aaska dadkii ku geeriyooday daadadka kusoo fatahay magaaladda, isagoo tacsi u diray ehelada iyo qoysaska dadkii geeriyooday.

Madaxweyne Deni ayaa ku dhex lugeeyay magaaladda isagoo kormeeray goobaha burburku gaaray si uu usoo arko sida ay wax u dhaceen, wuxuu booqday boqolaal qoys oo ku barakacay daadadkii kusoo fatahmay xalayto magaaladda, isagoo la Kulmay bulshada oo uga warbixinaysay khasaaraha jira.

Wuxuu Madaxweynuhu sheegay in ay Dowladdu sameysay Guddi heer Wasiir ah oo Ganacsataduna qeyb ka yihiin, kuwaasi oo ka shaqeyn doona gurmadka Qardho, Madaxweynaha ayaa baaq u diray Dadweynaha Puntland iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sidii looga wada qeyb qaadan lahaa xaaladda bani’aadantinimo ka jirta maanta Qardho.

Goobjoog News