U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni Oo Ka Hadlay Ujeedka Safarkiisa Imaaraadka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni  oo maanta safarkiisa ugu horeeyey dibadda uga baxay dowlad goboleedka ayaa sheegay inuu Imaaraadka oo ah wajhadiisa uu kala soo hadli-doono xiriirka labada dhinac, xoolaha iyo arrimo kale.

Siciid Cabdullaahi Deni oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri “Maanta oo bisha April 8, tahay waxaa safar ugu socdaa Imaaraadka..xiriirka ganacsi ee labad loo xoojin lahaa oo ay ugu horeyso xoolaha loo furi lahaa, sidoo kale maadaama xiriirka DP World iyo Puntland sidii loo dilay agaasimihii dekadda uu soo dhex galay arrimo amni, sidii caqabad looga gudbo, oo shaqada u socoto iyo sidii horumarin dhanka ciidanka nooga taageeri lahaayeen”.

Xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi uma fiicna sida midka Puntland, waxaana muuqato in dowlad goboleedyada ay iskood u raadsanayaan caawimaad.

Goobjoog News