U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Ku Baaqay Dhaqangelinta Talooyinkii Laga Soo Saaray Shilinka Soomaaliga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa amar baaqay  dhaqangelinta talooyinkii laga soo saaray xakameynta sicirka Shilinka Soomaaliga oo guddi loo saaray ay ka talobixiyeen maalintii shalay.

Qoraal kooban oo lagu daabay wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Deni uu guddiga ku raacay sidii loo dhaqan gelin lahaa qodobadii kasoo baxay shirkii laga yeeshay Shilinka Soomaaliga.

“Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku raacay in uu dhaqan galo Talooyinkii ay soo jeediyeen guddigii Arrimaha Sicirka Sarifka ee uu Guddoomiyaha u ahaa Madaxwaynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda.
Qodobadii maalinimadii shalay guddiga ka soo baxay ayaa waxaa ugu muhiimsanaa 8-daan qoqob.
1: In cashuurta Dekadda lagu qabto 20% Shillin Soomaali.
2: In mushaharka shaqaalaha lagu siiyo 20% Shillin Soomaali.
3:In Adeegyada Lacagta mobile-ka (Sahal iyo E-Dahab) sidoodii lagu celiyo.
4: Sariflayaasha waa inay ruqsad haystaan.
5: In cashuuraha Dowladdaha hoose Shillin Soomaali lagu qaado.
6: In Sarifka uu jaangoynayo lana soconayo Bangiga Dowladdu.
7: In Kalsoonida isticmaalka Shillin Soomaaliga ay kawada shaqeynayaan Dowladda iyo Ganacsatada.
8: In Lacagaha ku badan Suuqa ee Shillin Soomaaliga ah lagu xereeyo Bangiga Dowladda, iyo in la mamnuucay lacag Loo kala raro Gobolada.
Baahintii
Goobjoog News