U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Magacaabis Sameeyey

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha  dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta waxaa uu ku magacaabay Xeer Madaxweyne  oo sumadiisu tahay Lr. 84 oo kuna taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, wasiiru-dowleyaal iyo wasiir ku-xigeeno cusub kuwaas oo ku soo biiraya Xukuumaddiisa.

Xeerkaan uu soo saaray Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni   laguna magacaabay wasiiru-dowlayaasha iyo wasiir ku -xigeenada ayaa lagu yri.

Madaxweynaha markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad farqadiisa 5aad.
markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Puntland oo aqoon, karti iyo waaya aragnimo uleh xilalka loo igmaday.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Wuxuu xeeriyey:

Magacaabidda Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda DPuntland, waxayna kala yihiin:

Wasiiru-Dowleyaal:
Waxaa Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
Waxaa Maxamed Xasan Ciise loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha.
Waxaa Axmed Shire Siciid loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
Waxaa Fardowso Cismaan Cigaal loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Wasiir Ku-xigeeno :
Waxaa Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta
Waxaa Bashiir Jaamac Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
Waxaa Cabdicasiis Maxamuud Macallin loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
Waxaa Sucaad Saalax Nuur loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada.
Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Goobjoog News