U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Oo Hambalyo U Diray Ciyaartooyda iyo Macallimiinta Galmudug

Sheeko:Cayaaraha

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid Ayaa Dhanbaal Hambalyo ah Hawada umariyay “Ciyaartoyda,Macaliminta,maamulka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug,isoo sheegay in ay sugayaan koobka oo lagau dajiyo Caasimada Dhuusamareeb ee Galmudug

“Waxaa Dowladda iyo shacabka Galmudug usoo hoyseen Guul taarikhi ah shacabka iyo madaxda Galmudugna Garabkina ayey taagan yihiin” ayuu bartiisa Xiriirka Bulshada ku soo baacay Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid.

Sidoo Kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa u mahad celiyay taageereeyasha reer Galmudug ee jooga Muqdisho sida wanaagsan ay u dhiiri-geliyeen xidigahooda,isagoo sheegay ka maamul ahaan in ay mahad celinaynaa cid kasta oo kaalin ka qaadatay horomarka iyo taariikhda ay samayeen kooxda kubbadda cagta Galmudug 2020.

“Waxaa ino Balan ah ciyaarta u danbeysa ee finalka iyo koobki oo aad  Caasimada Galmudug ee Dhusamareeb keenta Insha Allah Guul iyo Gobanimo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle