U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku-xigeenka Punland oo Soo Xiray Shirka Mashaariicda Puntland

Sheeko:Dalka

ku-simaha madaxweynaha dowlad goboleedka puntland ahna madaxweyne ku-xigeenka  Mudane Axmed Cilmi Cismaan (karaash), ayaa maanta shir usoo xiray degmooyinka iyo gobolada puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee jplg.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka  puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (karaash), ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarin ee ka socda degmooyinka, wuxuuna faray masuuliyiinta sii dardargelinta horumarka, xoojinta wada-shaqeynta degmooyinka iyo gobolada iyo dhaqangelinta sharciga cusub ee dowladdaha hoose ee law-7 si uu hirgalo qorshaha maamul daadejinta.

Shirkaan oo maalmo socday waxaa ka qeyb-galay maayarada degmooyinka, isu-duweyaasha, guddoomiyeyaasha gobolada puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee jplg, machadka dowladdaha hoose ee puntland, wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dimuqraadiyeynta puntland oo shirka soo diyaarisay iyo wasaaraddaha kala shaqeeya mashaariicda horumarin ee degmooyinka.

 

Goobjoog News