Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Magacaabis Sameeyay

Axmed Cilmi Cismaan Karaash madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland  ayaa sameeyay magacaabis taliye cusub.

Wareegto ka soo baxaday Xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland, ayaa Taliyaha cusub ee booliska gobalka Cayn u magacaabay gaashaanle dhexe Jaamac Saxardiid Barre.

Magacaabista taliyahan, ayaa timid ka dib soo jeedin ay sameeyeen golaha wakiilada Puntland iyo waaya aragnimada uu shaqadaan u leeyahay Gaashaanle dhexe Jaamac Saxardiid Barre sida lagu sheegay dikareetada ka soo baxday xafiiska Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Halkaan ka akhriso dikareetada

Goobjoog News

 

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW