U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoor-Qoor “Dhamaan Ciyaartooyda Galmudug Waa Shaqaale Rasmi Ah Oo Ka Tirsan Dowladda”

Sheeko:Cayaaraha

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa kulan si heer sare ah loo soo agasimay ku Maamuusay ciyaartooyda  Kooxda Galmudug ee kaalinta ka galay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 ee ku qabsoomay maagada Muqdisho,isagoo u mahadceliyay macallimiinta iyo xidigaha guusha taariikhiga u soo hooyay dadka reer Galmudug.

Madaxweynaha waxaa kulankan ku wehelinayey Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda,waxaana ka mid ahaa Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamaanka Galmudug,Wasiirka Ciyaaraha iyo ku xigeenkiisa iyo sidoo kale guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda cagta Galmudug.

Madaxweynaha GalmudugAxmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa Wasaaradda Ciyaaraha & dhalinyarada, xiriirka kubadda cagta Macallimiinta iyo cioyaartooyda Galmudug uga mahad celiyey guushii ay ka gaareen tartankii kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

“Dhamaan Ciyaartooyda Galmudug waa shaqaale rasmi ah oo ka tirsan Dowladda” ayuu sheegay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor)

“Balanqaadkii Dalxiiska Turkiga ee Ciyaartooyda Galmudug waxba iskama badalin,waana la fulinayaa” ayay munaasbada ka sheegtay Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Cali (Faadumo Faandhe)

“Calanka Galmudug waxa uu ahaa kii ugu qaalisnaa ee la iibsado Intii uu socday tartanka kubbadda cagta Maamul Goboeledyada iyo Gobolka Banaadir 2020” ayuu isna sheegay Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Galmudug mudane Xuseen Cabdulle Xasan.

“Madaxda Galmudug iyo Taageerayaasheena waan u mahadcelinaynaa,runtii waxaan gaarnay meeshii ugu saraysay ee aan ka gaarno ciyaaraha Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir” ayuu sheegay guddoomiyaha Xiriirka Kubabdda Cagta Galmudug Xasan Axmed Shire.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle