U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Dib Ugu Laabtay Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo halkaas si diiran loogu soo dhoweeyey madaxweynaha iyo wafdiga la socday ee gaaray magaalada.

Labada mas’uul ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay ku sugnaayeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Dr Maxamed Nuur Maxamed Gacal

Madaxweynaha  ayaana ka magaalada Muqdisho waxaa uu kaga qeyb galay shirkii Villa Somalia  iyo dowlad goboleedyadu ka gaareen arrimaha doorashooyinka dalka, kaas oo ugu dambeyn xal waara laga gaaray  hannaanka uu dalka doorasho ku aadayo 2020-202-ka.

Goobjoog News