U bood dhigaalka

Madaxweyne Somaliland oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Abwaan Hadraawi

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allah unaxariistee Abwaankii weyne Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa, oo maalmihii dambe l;a gu baxnaaninaayay xaaladdiisa caafimaad isbitaalka guud ee magaalada.

“Inaalillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun, waa naxdi, waa geeri cusub, iminka waxaa uu u baahan yahay inaan u duceyno marxuumka iyo dhammaan wixii Afsoomaaliga ku hadla iyo caalamkaba inaan ogeysiiyo inuu Abwaankaas dhintay, isagana waxaan Illaahey uga rajaynaynaa oo aan Illaahey uga baryaayaa inuu Jannadii Fardowso geeyo” ayuu yiri Muuse Biixi.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, ayaa waxaa uu muddooyinkii dambe ku noolaa magaalada Burco  gobolka Togdheer, halkaas oo ah magaaladii uu miyigeeda ku dhashay sanadkii 1743-kii, Abwaanka ayaa ku geeriyooday da’da 79 sano, waxaana lafilayaa in Hargeysa Aas Qaran loogu sameeyo.

Goobjoog News