U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Ku Wajahan Galmudug

Sheeko:Dalka

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa ka socota qabanqaabada soo dhoweynta Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federalka Soomaaliyamudane  Xasan Shiikh Maxamuud oo lagu wado in dhowaan uu gaaro isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo magaalada.

Madaxda ugu saraysa maamulka Galmudug, ciidanka iyo bulshada qeybaheeda kale duwan ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb noqdaan soo dhoweynta madaxweynaha, waxaana meelaha lagu arkayaa Boorar lagu xardhay sawirradiisa oo qeyb ka ah soo dhoweynta wafdiga madaxweynaha ee ku wajahan Galmudug.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa la filayaa markii uu gaaro Galmudug inuu kulan la qaato madaxda maamulka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaana safarkiisa uu qeyb ka yahay safari lagu wado inuu ku gaaro magaalooyinka dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Goobjoog News