U bood dhigaalka

Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Puntland oo Lgu Soo Dhoweeyey Cadaado

Sheeko:Dalka

Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Galmuduug iyo Puntland Siciid Cabdillaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye ayaa goordhow gaaray, magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaas lagu soo dhoweeyey,

Madaxda ayaa safar dhulka ah uga anbabaxay magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen, madaxda dowlad goboleedyada, Deni ayaa la filayaa inuu waqti ku nagaado magaalada Cadaado.

Madaxweyne Deni ayaa inta uu ku sugan yahay Cadaado, waxaa uu la kulmidoonaa maamulka magaalada qeybaha kala duwan iyo bulshada, waxaana labada mas’uul ay u sii gudbi doonaan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday shir looga hadlayey xaaladaha gobolka Mudug iyo dhismaha golaha deegaanka Gaalkacyo ee Galmudug, madaxweyne Qooqoor ayaana tagidoona shirkaasi.

Image may contain: 9 people, including Maxamed Mahad Moha Yare, people standing and outdoor

Image may contain: 10 people, crowd and outdoor

Image may contain: 4 people, people standing

Goobjoog News