U bood dhigaalka

Magaalada Garoowe oo Maanta Lagu Oogay Salaad Roobdoon ah

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta garoonka Kubadda Cagta magaalada  Garoowe ee Mire Awaare waxaa uu kaga qayb-galay Roobdoon Alle SWC lagaga baryaayey Ramaxddiisa (Roob) inuu ku manaysto ummaddiisa ku nool gayiga Soomaaliyeed.
Abaarta iyo jiilaalka jira oo sababtay xaalad adag oo ay waajaheen dad iyo duunyaba, waxa ay maamulku  juhdigeliyay Roobdoon xiriir ah oo Alle SWC lagu waydiisanaayo Raxmaddiisa, waxa uu Madaxweynuhu shacabka Puntland iyo kan Soomaaliyeedba ku booriyey inay markasta iyo xaalad kasta oo ay ku jiraan Rabbi SWC waydiistaan dembidhaaf iyo Raxmaddiisa, mid wax tarleh oo aan waxyeelo lahayn.
Madaxweynuha waxa uu shacabka ku booriyey inay isgarab-istaagaan wakhiyada adag ee lagu-jiro, waxa uu xusay, in abaartu saamaysay qoysas badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo u badan Reerguuraaga, kuwaas oo xoolohooda ay dhaafisay abaarta jirta  iyo dadka danyarta ah ee ku nool xeryaha barakacayaasha.
Ugu dambayn, Madaxweynaha DPL Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu hoosta ka xariiqay in Dowladdu dorkeeda iyo masuuliyaddeeda gudanayso, shacabka iyo cidkasta oo ay khusayso arrintani, iyana doorkooda u qaataan si hagar la’aan ah, si gargaar iyo garab-istaag deg deg ah loola gaaro shacabka abaartu saamayso.
Goobjoog News