U bood dhigaalka

Mahad Salaad oo Ku Dhawaaqay Kordhinta Mushaaraad Ciidanka NISA

Sheeko:Amniga

Agaasimaha guud ee hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta ku dhawaaqay in la kordhiyay mushaaraadka ciidanka hey’adda, kadib qoraal kasoo baxay, waxaana sidoo kale uu sheegay in ciidankii iyo saraakiishii ka geeriyooday hey’adda ay qooysaskooda ay heli doonaan xuquux.

Markii ugu horaysay ayaa Mushaarka Saraakiisha iyo ciidanka Hay’adda NISA waxay la mid noqdeen mushaaraadka ciidamada kale ee Qaranka, halka markii hore ay ka hooseeyeen, hadaba eeg isbadallada lagu sameeyey Mushaaraadka Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Hey’adda NISA:

1- G/le Markii hore waxa uu Mushaar u qaadan jiray 400$,halka hada laga dhigay 500$.

2- Jaamici waxa uu qaadan jiray 300$, halka hada looga dhigay 350$.

3- Qofka wata Shahaado Dugsi sare markiisii hore waxa uu qaadan jiray mushaar dhan 200$, hadana waxaa looga dhigay 300$.

4-Mudane ama shaqaalaha caadiga ah ee aan shahadada heysan waxa uu qaadan jiray 150$, waxaana iminka looga dhigay 200$.

5- Askariga dablaha waxa uu mushaar ahaan markii hore loo siin jiray 150$, balse hada waxaa looga dhigay 200$.

Sidoo kale Taliyaha Hey’adda NISA Mahad Salaad ayaa go’aamiyay in askarta iyo saraakiisha hey’adda ee geeriyooda ay qoysaskooda xuquuq ka heli doonaan dowladda, halka markii hore aysan laheyn wax xuquuq ah.

Mushaar kordhinta ciidanka, saraakiisha iyo howlawadeenada hay’adda ayaa ka danbeeyay kadib markii dib u eegis lagu sameeyay shaqsiyaad badan oo hey’adda aanan u shaqayn oo dhaqaale badan qaadan jiray iyo kuwa kale oo qaadan jiray xuquuq ka badan inta ay xaqa u leeyihiin.

Goobjoog News