U bood dhigaalka

Manaasabadda Aasaaska Puntland oo Markii Ugu Horaysay Lagu Qabtay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ka qeybgalay munaasabadda xuska sanad-guurada 22-aad ee Aasaaskii maamulka Puntland, oo taariikhda markii ugu horeysay  lagu qabtay Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

“Waxaan Jeclahay dadka reer Puntland meel walbo oo ay joogaan gude iyo dibadba iyo Soomaaliya inteeda kaleba in aan u diro hambalyo, maalinta 1-da August oo ah maalin Soomaaliyeed, maalin horseed u aheyd Dowladdnimadii dhaawacu gaaray 90-kii soo kabashadeedii. Dowladda Puntland ayaa runtii aasaaskeedii ay fure u noqotay hiigsiga maanta ee shacabka Soomaaliyeed meel walba oo uu joogo uu leeyahay” ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad .goboleedka  Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha ayaa bulshada la wadaagay horumarka dhinac walbo leh ee Puntland gaartay 22-kii sano ee lasoo dhaafay, oo ay ku jirto waxqabadka guulaha laga gaaray ee ay sanadkan hirgelisay Dowladdu sida Amniga, tirakoobka, tayeynta iyo dib-u-habeynta Ciidamada, hirgelinta nidaamka dimuqraadiyada, nabadeynta iyo isbedelka tayeyn iyo tashiil ee maaliyadda.

Madaxweynaha oo dib u xasuusiyey Bulshada Puntland, doorkii ay ku lahaayeen dhismaha Dowladdnimada iyo Nidaamka Federaalka ah ee hadda jira, ayaa ka digay hab-dhaqanka sharci jebinta ah oo ay u danbeysay Golaha adeegga ee Garsoorka oo dhismihiisa iyadoon sifo sharci ah loo marin, cidna lagala tashan ay xukuumadda KMG ah sheegtay inay ansixisay.

Maadaama 1-da August ay aheyd markii ugu horeeysay ee lagu qabto Gaalkacyo, Madaxweynaha ayaa ka hadlay Isbedelka Amni iyo horumar ee ka socda Gobolka Mudug, wuxuuna ugu baaqay Bulshada Gobolka inay doorkooda ka qaataan, wadashaqeynta Puntland iyo Galmudug sida dhinacyada amniga, nabadgelyada iyo horumarka.

Dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed ayaa la asaasay 1998-dii, shir ka dhacay magalada Bosaso ee gobolka Bari Waxaana 22kii sano uu ku jiray nidaamka Dowladdnimo dhisnaa uu dadka reer Puntland gaarsiiyey barwaaqo iyo horumar, waxaa muddooyinkaas laga fuliyey kaabayaal dhaqaale sida wadooyinka, Puntland Soomaaliyana waxay u noqotay sal iyo tiir waana meeshii laga baadi doonay dib u yagleelka Dowladdnimada Soomaaliya burburkii kadib, taas oo ku dhisan nidaamka federaalka oo hadda dalka uu ku dhaqmo.

Image may contain: one or more people, crowd and outdoor

Image may contain: 25 people

Image may contain: 2 people, child and outdoor

Image may contain: 3 people, hat

Image may contain: 3 people, people standing and suit

Image may contain: 5 people, crowd and outdoor

Image may contain: 4 people, people sitting and beard

Image may contain: 1 person, standing

Image may contain: 5 people

Image may contain: 2 people

Image may contain: 2 people

Image may contain: 1 person, sitting and eyeglasses

Image may contain: 2 people

Image may contain: 6 people, people standing and suit

Image may contain: 19 people, crowd

Image may contain: 11 people

Image may contain: 11 people, people standing

Image may contain: 7 people

Image may contain: 16 people

Image may contain: 3 people, people sitting

Image may contain: 3 people, people standing

Image may contain: 2 people, closeup

Image may contain: 9 people, people standing

Image may contain: 2 people, people standing

Image may contain: 1 person, standing

Image may contain: 8 people, people standing, crowd and outdoor

Image may contain: 15 people Image may contain: 10 people Image may contain: 6 people

Image may contain: 4 people

Image may contain: 24 people, crowd and wedding

Image may contain: 16 people, crowd

Image may contain: 8 people, people standing and crowd

Image may contain: 8 people, people standing, crowd and outdoor

Image may contain: 3 people, people sitting and child Image may contain: 2 people, people sitting Image may contain: 3 people

Image may contain: 5 people, crowd

Image may contain: 3 people Image may contain: 5 people, people sitting

Image may contain: 2 people Image may contain: one or more people, people sitting and suit

Image may contain: 1 person Image may contain: 4 people

Image may contain: 1 person, standing Image may contain: 5 people, crowd and outdoor Image may contain: 1 person, crowd and outdoor

Image may contain: 2 people

Goobjoog News