Mareykanka Oo Duqeyn Ka Geystay Jubbada Dhexe

Taliska Mareykanka ee ka howlgala Africa ee loo yaqaan AFRICOM, ayaa waxa ay sheegeen in duqeyn diyaaradeed ay ka geysteen gobalka Jubbada dhexe halkaasi oo ay ku bartilmaameedsadeen dhaq dhaqaaqa Al shabaab.

Duqeyntan, ayaa si gaara uga dhacday degmada Jilib ee gobalka Jubbada dhexe, waxa ayna taliska AFRICOM sheegeen in duqeyntaasi ay ku dileen xubin ka tirsan Al shabaab.

Taliska AFRICOM, ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta aysan wax khasaaro ah ka soo gaarin dadka shacabka ah, islamarkaana ay ka taxadaraan khasaaro soo gaara goobaha ay duqeymaha ka fulinayaan ee ay ku suganyihiin dadka shacabka ah.

“waxaan kordhin doonaa duqeymaha si Soomaaliya loo gaarsiiyo hormar iyo mustqabal wanaagsan” ayuu yiri Bradford Gering ku xigeenka agaasimaha howlgallada AFRICOM .

Mareykanka,ayaa duqeymo ka geysta gudaha Soomaaliya, iyada oo mararka qaarna ay waxayeelo ka soo gaarto dadka shacabka duqeymahaasi, waxaana marar kala duwan eedeymo u jeediyay hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW