U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Faahfaahiyay Duqeyn Uu Ka Geystay Jubbada Hoose

Sheeko:Dalka

Qoraal ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in Mareykanka oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya uu duqeyn dhinaca cirka ah ka geytay gobalka Jubbada hoose.

Duqeynta oo la sheegay in lala beegsaday xubno ka tirsan Al shaab ayaa waxa ay sigaara uga dhacday deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 50km dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose.

AFRICOM waxa ay sheegeen in duqeyntaasi ay ku dileen xubin ka tirsanaa Al shabaab.

Taliska Mareykanka ee Africa ayaa dhinaca kale sheegay in aysan jirin waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanka Beerxani ee gobalka Jubbada hoose.

Sidoo kale Mareykanku waxa uu ka dhawaajiyay in uu sii wadi doono duqeymaha uu la beegsanayo Al shabaab.

Waa Duqeyntii 5-aad ee Mareykanku uu sanadkaan cusub ee 2020 ka geysto gudaha Soomaaliya.

Goobjoog News