U bood dhigaalka

Mashruuc lagu soo Saarayo Calafka Xoolaha oo Laga Hirgeliyay Cadaado+Vedio

Sheeko:Dalka

Abaaraha inta badan kusoo laablaabta dalka ayaa waxaa saameynta ugu badan ay ku yeeshaan duunyada oo kaalin muhiim ah uga jira nolosha dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan miyi iyo magaalo, maadaama abaar waliba oo kacda ay disho kumaan xoolaha, kuwaas oo isugu jira Geela Lo,da iyo Ariga, iyagoo aan  helin calaf ay cunaan taas oo keenta in ay abaartu disho.

Shirkadda ka hortagga abaaraha iyo badbaadinta xoolaha oo ka duulaysa arrintaas ayaa  waxaa ay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ka hirgelisay mashruuc lagu soo saarayo calafka xoolaha ay cunaan si ay ugu tiirsanaan midka ay soo saaraan Roobka da’a oo kaliya, waxaa looga gol leeyahay sidii xoolaha ay u heli lahaayee cunto xilli waliba abaar iyo aaran.

Xildhibaanno ka tirsan heer federal iyo heer gobol, wasiirro,maamulka gobolka Galgaduud iyo kan degmada Cadaado ayaa kasoo qeyb galay munaasabadda furitaanka oo ka dhacday goobta shirkaddu ay ka hirgelisay mashruuca, waxaana lagu wadaa in  ay soo saarto todobaadkii 70,000 tan oo  calafka xoolaha ay cunaan, gaar ahaan Cows oo kaalin weyn uga jira.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan xildhibaannada Baarlamaanka federalka ayaa ka sheekeeyay faaiidada mashruucaan uu u leeyahay Galmudug, oo inta badan dadkeeda reer guuraaga ah ay ku tiirsan yihiin Roobka iyo calafka uu u soo saaro xoolaha maadaama aysan ku jirin gobollada dalka ee ay mararaan Wabiyada dalka ee Shabeelle iyo Jubba.

“Waxaa saakay aynu goobjoog u wada aheyn waxsoo saarkii, sida loo soo saaray iyo sida xooluhu ugu baahi bixi karaan, mashruucaan waa mashruuc ballaaran, ballaarintiisa iyo waxqabadkiisana waxaa uu ku xiran yahay marba waxa la gashado, marba waxa la gashado ayaa laga maalayaa, mudda waa ay kooban tahay loogu talo galay in ay wuxu baxaan, sababta loo koobayna waxaa ay tahay waa baahida in laga jawaabo” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka hadalayay.

Waxaa sidoo Maxamed Cabdullaahi Tiiceey oo goobta ka hadlay  ayaa ugu baaqay in ay bulshada ku dhaqan magaalada Cadaado iyo deegaannada u dhow ay ka faaiideystaan mashruucaan oo xilligaan loogu baahi badan yahay, isaga oo xusay in ay hoos u dhigayso isku dhaca beelaha ee xilli roobaadyada ka dhasha daaqsin fogaadka xoolaha, isagoo xusay faaiidadiisa.

“Haddii xooluhu isku helaan cuntadaan iyo biyo, waxaa ku badbaadayo naf, waxaa ku badbaadaya dhaqaale, colaadii xitaa waa ay naga yaraanaysaa, sababtoo ah colaadaha ugu badan ee gobollada dhexe ka yimaada wuxuu ku yimaadaa xoolo meel naq ka baxay inta iska tageen, iyadoo hoodi la is dhihin ayaa xabad la isku bilaabaa, waxaas oo dhan waa ka badbaadinaysa, calafkaan aad arkaysaan waa mid caafimaad leh, Banii’aadamka iyo xoolaha caafimaad u leh” ayuu yiri Maxamed  Tiiceey.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdullaahi Maxamed Tootoole ayaa dhankiisa ka hadlay isagoo sheegay inuu aad ugu madacelinayo shirkadda oo mashruuceedii labaad laga dhagax dhigay magaalada Cadaado, waxaana uu intaas ku daray inuu mashruucaan uu faaiido u leeyahay xoolo dhaqata reer Galmudug, bulshadana ugu baaqay in laga wada faaiideysto Calafka.

“Raggii waxaan isku soo abaabulay, oo meeshaan keenay, oo maanta waxaas aan u jeedno sidii wax miyir la’a ugu yoomeen, waxaan ognahay dadka reer Galmudug 90% in ay yihiin xoolo dhaqato, haddana waxaan ognahay abaaraha soo laalaabtay iyo markii wax yar oo roob ah uu meel ka da’o hayaanka loo galo, haddii  marka shaqada nuucaan ah la qabto oo la balaariyo waxaan aaminsanahay in wax badan ay deegaanka ka qaban karto, baahida wax badan ka kaafin karto” ayuu yiri Tootoole.

Mashruucaan laga hirgeliyay magaalada Cadaado ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dalka ay ka jirto abaar baahsan oo dad iyo duunyo intaba aad u saamaysay, waxaana mashruucaan dhistay, Shirkadda ka hortagga abaaraha iyo badbaadinta xoolaha, waxaana shirkaddu xarunteeda wajiga labaad laga dhaagax dhigay isla magaalada oo lagu wado in laga dhiso.

Goobjoog News