U bood dhigaalka

Maxaa Kasoo Baxay Kulankii Wasiir Sabriye Iyo Madaxda Ahlu-sunna?

Sheeko:Dalka

Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, waxaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye iyo sidoo kale madaxda Ahlu-sunna Waljameeca.

Kulanka ayaa ahaa mid saacado qaatay, waxaana looga wadahadlayey arrimo ku aaddan sidii loo qancin lahaa tabashada hoggaanka Ahlu-sunna ee guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug oo dhowaan wasaaradda arrimaha gudaha soo magacawday.

Labada dhinac ayaa si kulul uga hadlay arrimaha la isku hayo, balse wax natiijo ah kama aanu soo bixin kulankoodan.

Hoggaanka Ahlu-sunna ayaa guddigan ku sheegay in aan loo dhameyn, islamarkaana ay ku degdegtay DFS, taasi oo keentay in culeysyo ku yimaadaan howlaha lagu dhisayo Galmudug.

DFS ayaa wadda dedaal walbo oo ay ku qancineyso Ahlu-sunna iyo cid walba oo tabasha ka ah hannaanka ay xilligan wax uga socdaan degmada Dhuusamareeb.

Goobjoog News