U bood dhigaalka

Maxaa Loo Xiray Siyaasi Muuse Cali Jaamac?

Sheeko:Dalka

Waxaa xalay xabsi ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ku hoyday Dr. Muuse Cali Jaamac oo ka mid ah siyaasiyiinta aadka looga yaqaano deegaannada Puntland.

Ciidamada Booliiska ayaa la sheegay in ay soo xireen siyaasigan oo xariggiisa loo sababeynayo eedeyn uu Jimcihii lasoo dhaafay u jeediyey madaxweyne Saciid C/laahi Dani.

Waa markii Labaad oo siyaasigan la xiro, iyadoo 13-kii October ee sanadkan sidan oo kale loo xiray, balse Saddex cisho kadib lasii daayey.,

Siyaasigan iyo waxgarad ku sugan magaalada Boosaaso ayaa jimcihii aad ugu dhaliilay in xukuumadda Dani ay dhulal badan oo muhiim ah ku wareejisay shirkado laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta kuwaasi oo ku yaalla magaalada Boosaaso.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News