U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Shirka Golaha Wasiirrada Puntland?

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dowlad goboleedka  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta shir-guddoomiyey shirka golaha wasiirada dowladda Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Mashaariicda lagu horumarinayo Biyaha iyo Korontada, wax ka bedel lagu sameeyay derejada qaar ka mid ah degmooyinka Puntland iyo xaaladda Abaaraha oo guddi loo saaray.
Kulanku intuu socday waxaa laga hadlay xaaladda Abaarta baahsan ee ku dhufatay deegaannada Puntland iyo dalka intiisa kale, waxaana Madaxweynuhu uu magacaabay Guddi ka kooban wasiirrada  si loo dardargeliyo wax ka qabashada saameynta Abaarta iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay saameysay, kuwaas oo intooda badan ku xoolo beelay Abaarta kacday.
Golaha wasiirada dowlad goboleed Punland ayaa wax ka bedel ku sameeyay derejada qaar ka mid ah degmooyinka Puntland oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Arrimaha, waxaana xusay degmooyinka kala ah Bareedo, Carmo, Boocame, Xiingalool iyo Xarfo oo awal ahaa heerka saddexaad (C) loo dalacsiiyey heerka labaad ee degmooyinka Puntland (B).
Goobjoog News