U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Shirka Golaha Wasiirrada Puntland?

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Garo owe ku  guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada Puntland, oo looga hadlay  arrimo dhowr, kuwaas oo ugu weynaa Amniga,  Kordhinta Mushaharaadka Shaqaalaha, Ansixinta dhismaha Shirkada Korontada Puntland (Pepco),.
Waxaa sidoo kale shirkii maanta intii uu socday waxaa looga hadlay ansixinta iyo magac bedelka wasaaradda Waraafinta iyo warbixin ku saabsan ka jawaabista saameynta ka dhalatay Abaarta, taas oo siweyn ugu dhufatay deegaanno dhaca Puntland, waxaana madaxweyne Deni shirka uu warbixinno kaga dhageystay wasaarado dhowr ah.
Golaha ayaa maanta shirkooda ku ansixiyey dhismaha Shirkada Korontada Puntland (Pepco) oo ay ku mideysnaan doonaan dhammaan Shirkadaha korantada ee ka jira Puntland, waxaana Golaha usoo gudbisay wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo ka duuleysa Xeerkii Madaxweynuhu Shirkaddan ku dhisay 18-kii Bishii April 2020.
Sidoo kale wuxuu Goluhu ansixiyey magaca cusub ee wasaaradda Isgaarsiinta, Tiknoolajiyadda, Warfaafinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka, waxaama ugu danbeyn Madaxweynaha uu boggaadiyay in lagu guulestay oo ay si wanaagsan u dhaqan gashay Mushahar kordhinta Shaqaalaha loo sameeyay.
Goobjoog News