U bood dhigaalka

Maxamuud Sayid “DFS Kala Qeybin Iyo Burburin Ayeey Ka Waddaa Gedo”

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in dowladda dhexe ay burburin iyo kala qeybin xoog leh ka waddo gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay in ay isku dayeeso sidii ay ula wareegi lahayd ciidanka Jubbaland ee halkaasi ku sugan, sidoo kalena ay u kicin lahayd shacabka ku dhaqan degmooyinka qaar ee gobolkaasi.

Sayid Aadan ayaa tilmaamay in aanay u joojin doonin shaqooyinkooda shaqsiyaad uu sheegay in DFS ku biireen, islamarkaana cid walbo oo dhankooda ka tagta ay bedelkeeda magacaabayaan.

Qaar kamid ah degmooyinka dhaca galbeedka Gedo ayaa dhowaan sheegay iney dhanka DFS ku biireen, islamarkaana aanay aqoonsaneen Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa guddi u saaray xaaladda ka taagan Gedo oo uu sheegay in aan indhaha laga laaban karin.

Goobjoog News