U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Guddoomiyaha Hey’adda iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland?

Sheeko:Dalka

Gudomiyaha hey’adda mareeynta masiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray caasimadda Garoowe ee maamulka goboleedka Puntland.

Wafdiga guddoomiyaha ayaa kulan la qaatay madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxwaynaha Puntland Axmed Karaash, iyadoo looga wadahadalay arrimo dhowr ah.

Waxaa si gaar ah diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira deeganada maamulka Puntland, ayadoo la qiimeeynaayo xaladaha nololeed ee ku sugan yihiin dadkii ka soo barakacay colaadaha magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool.

Labada dhinac waxay isla garteen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhagaxdhigo xarunta Howlagalada Gurmadaka degdega ah si loola tacaalo xaaladaha soo kordha. Dhanka kale, Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka wasaaradda gargaarka maamulka Puntland .

Goobjoog News