U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Madaxweyne Deni iyo Xildhibaannada Labada Gole Ku Mala Puntland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta kulan gaar la qaatay xildhibaannada labada gole ee maamulkaas ku matalo dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa inta badan waxaa aad looga hadlay xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo marxaladda kala guurka ah ee uu  maraayo sida uu warbaahinta  sheegay afhayeenka madaxtooyada Puntland.

A fhayeen Jaamac Dabaraani ayaa sidoo kale sheegay in xildhibaannada labada gole ay madaxweyne Deni ku bogaadiyeen si marweliba Puntland  u garab taagan tahay dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Goobjoog News