U bood dhigaalka

Midowga Yurub oo Lagu Eedeeyay inuu Ka Gaabiyay Mas’uuliyaddii Ka Saarneyd Dadka Ku Qariqmaya Badda Mediterranean-ka

Sheeko:Caalamka

Ururro aan dowli ahayn oo taageera dadka muhaajiriinta ah ee ka soo gudba badda Mediterranean-ka ayaa eedeeyn u soo jeediyay Midowga Yurub oo ay ku tilmaameen inuu ka gambanayo mas’uuliyaddiisa ku aaddan dhanka dadka muhaajiriinta ah ee ku qariqmaya badda Mediterranean-ka.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee isbuucii la soo dhaafay ay dad ku qariqmeen badda u dhexaysa Liibiya iyo Talyaaniga ayaa ka dhigaysa isku-dar in baddaas ay ku nafwaayeen sanadkan 2016 dad gaaraya illaa 4220. Waana tiro aad uga badan sanadadii 2014 iyo 2015 iyo sanad kasta oo kale oo la diiwaangaliyay, waana sida uu sheegay Ururka Caalamiga ah ee Qaxootiga Dunida.

Tommaso Fabbri oo ah madaxa ururka dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee dalka Taliyaaniga ayaa yiri; “Record-kan cusub ee dadka ku qariqmaya badda Mediterranean, suurtogal maaha in Midowga Yurub uu gacmaha ka laabto iskana daawado, haddii uu sidaan xaalku sii ahaado waxay noqoneysaa in Midowga Yurub uu ku lug leeyahay dhibaatadan oo sii ballaareynsa”.

Ciidamada ilaalada badda ee Liibiya ayaa dhawaan dib u bilaabay howlo roonda ah oo ay ka sameynayaan badda Mediterranean, iyadoo taasina ay dhalinayso cabsida ah in dadka ay qabtaan iney dib ugu celiyaan Liibiya, bedelka intii la gaarsiin lahaa dadkaa halkii ay u socdeen ee Talyaaniga.

Goobjoog News