U bood dhigaalka

Muruqmaalka Dekadda Boosaaso oo Shaqo Joojin Sameeyey iyo Sababta.

Sheeko:Dalka

Muruqmaalka ka sheeqeeyo dekadda magaalada Bosaso ee gobolka Bari ayaa maanta shaqo joojin sameeyey iyo mudaharaad ay kaga cabanayaan lacagaha ay ka qaataan badeecadaha ay dejiyaan iyo kuwa ay raraan ee dekadda.

Xamaalatada  ayaa xusay in qarashaadka lagu dejiyo iyo wax lagu raro lagu jaangooyey halkii shey 3000sh, waxaana ay dalbanayaan muqulmaalka ka xamaasho dekadda magaalada Boosaso in la kordhiyo qarashaadka xamaalka ah.

Waqtigii lacagahaan la jaangooynayey oo muddo hore ahaa ayaa waxaa 1$ magaalada Bosaso la sarifaayey 8000sh, halka maanta 1$ uu ka maraayo sarifkii magaalada 4000sh, taas ayaana keentay in ay  Mudaharaad  sameeyaan.

Muqmaalatada oo isugu soo baxay afaafka hore dekadda bosaso si ay u muujiyaan cabashadoodo, waxaana dhacday in ciidamada ilaalada ka haya dekadda ay si qasab ah ku kala eryaan mudaharaadayaasha icabanayey ee soo baxay.

Goobjoog News