U bood dhigaalka

Dhageyso: Nicholas Haysom Oo Gaas Kala Hadlay Xalinta Khilaafka DFS Iyo Maamul Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo ay ka wadahadleen arrimo badan.

Kulanka kadib, madaxweyne Gaas ayaa sheegay in waxyaabaha laga wadahadlay ay ka mid tahay khilaafka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Sidoo kale, Gaas ayaa sheegay iney ka wada hadleen Nicholas Haysom arrimaha ammaanka sidii loo dardargelin lahaa howlaha amni ee dalka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Mawduucyada:Puntland