U bood dhigaalka

Odowaa Oo La Hadlay Goobjoog: Waxaa Lagu Qasbanaan donaaa in Meel dheer Laga raadiyo Galmudug

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo ka tirsanaa murashaxiinta qaadhacay doorashada Galmudug ee maanta ka dhacday Dhuusamareeb, laguna doortay Axmed Qoorqoor ayaa sheegay in Galmudug ay ku laabatay meel ka xun halka ay joogtay 2015-kii.

Xildhibaan Odowaa oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri “Galmudugta cusub waxa ay ku laabatay meel ka xun meeshii aan 2015 ka keenay oo aheyd sadax maamul iyo qbaail kala duwan. Hadda maanta waxaa jira sadax Madaxweyne iyo sadax baralamaan.”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo sii hadlaya waxaa uu sheegay in waxa la sameeyey aaney aheyn wax waaraya isaga oo yiri “Dowladdu waxa ay Galmudug ka samaeysay ma ahan wax waaraya, waxaana lagu qasbanaan donaaa in meel dheer laga raadiyo Galmudu”.

Saacado ka hor, waxaa uu bartiisa Farcboogga soo dhigay qoraal ahaa inuu baaq u dirayo dadka reer Galmudug, kana shaqeeyaan Galmudug mid ah ““Waxaan dhammaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo saamileeyda siyaaasadeed ee ree Galmudug iyo sadaxda garab ee hadda saakay Galmudug u qaybsanthay inaan isugu nimaad sidii hal maamul loo dhisi lahaa”.

Doorashada Lagu Doortay Qooqoor waxaa qaadhacay  saddex koox:

(1). Murashaxiinta kala ah: Cabdiraxmaan Odawaa, Cabdullaahi Wehliye, Kamaal Gutaale iyo Cabdi Dheer,

(2). Madaxweynaha Galmudug: Axmed Geelle Xaaf ayaa ka mid ah dadka diidan

(3): Maamulka Ahlu sunna ee ka taliya Dhuusamareeb iyo qeybo kale.

Goobjoog News