U bood dhigaalka

Puntland: 59 oo Covid 19 La Xanuunsan, 2 Wasiir ayaa Ku Jirta

Sheeko:Dalka

Tan iyo markii qalabka lagu baaro cudurka Covid 19 la geeyey dowlad goboleedka Puntland, waxaa laga helay kiisas badan.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan oo xalay ka warbixiyey tirada laga helay saacadihii ugu dambeysay ayaa sheegay in la baaray 22 ruux , xanuunkana laga helay 8 qof oo rag ah oo ay ku jiraan 2 ka mid ah wasiiradda Puntland.

Dhanka kale, wasiirka Caafimaadka waxaa uu intaas ku daray in qofkii 2-aad uu Puntland ugu geeriyooday Covid-19, kaas oo ku dhintay xarunta karantiilka Garowe.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha Covid-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 59, halka labo qof ay ugeeriyoodeen xanuunka.

Goobjoog News