U bood dhigaalka

Puntland: Golaha Wasiirada Oo Kulan Ka Yeelanaya Khilaafka Maamulkooda Iyo Villa Somalia

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa isaga oo ku sugan Boosaaso wuxuu kulan degdeg ah isugu yeeray golahiisa wasiirada.

Sida wararku ay sheegayaan, kulankaan ayaa ah mid ka duwan kuwii hore, waxaana la filayaa in ay ka shiraan arrimo aad u xasaasi ah.

Shirka wasiirada Puntland ee maanta dhici doona ayaa qodobada looga hadli doono waxaa ka mid ah, shirkii shalay kusoo dhammaaday Muqdisho, khilaaka dowladda federaalka iyo Puntland, amniga iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Puntland iyo Villa Somalia, waxaa xilligan ka dhaxeeya khilaaf aad u xooggan, iyadoo Puntland ay qaadacday shirkii ishkaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.

Goobjoog News