Puntland: Guddi Loo Saarayo Baarista Arrimaha Kufsiga

Xeer ilaaliyaha Puntland Maxamuud Xasan Aw-Cusmaan ayaa sheegay in dhowaan la dhisayo guddi u gaar ah oo soo baara arrimaha kufsiga la xiriira.

Hindisaha guddigaan ayaa ka dhashay shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen hay’addaha garsoorka Puntland, iyagoo ka doodayay sababaha qarsoon ee ka dambeeya kufsiyada isdaba jooga ah.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ahna kusimaha madaxweynaha, ayaa la filayaa inuu guddigaan kusoo magacaabo degreeto.

Xeer ilaaliyaha Puntland Maxamuud Xasan Aw-Cusmaan ayaa aaminsan inay jiraan ujeedooyin aan weli la ogaan oo loo kufsanayo dumarka ku nool Puntland.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW