U bood dhigaalka

Puntland Iyo Jubbaland Oo Aan Ka Qeybgaleen Shirka Caalamiga Ah Ee Ka Furmaya Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo puntland ayaa lagu soo waramayaa in aanay ka qeybgali doonin shirka caalamiga ah ee maanta oo Talaado ah ka furmaya magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay casuuntay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani, balse uu isna shuruud uga dhigay in la casuumo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aanay aqoonsaneen madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo mar kale loo soo doortay xilkaasi.

Maamullada K/galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ayaa ka qeybgali doona shirkan, balse waxaa muuqanaya durba khilaaf siyaasadeed hareeyey shirka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News