U bood dhigaalka

Puntland ‘’ Ma aqbalayno natiijo kasta oo ka soo baxda shirka Jabuuti ‘’

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland ayaa sheegay in aysan aqbali doonin natiijada ka oo soo baxda shirka Dowladda Federaalka iyo Somaliland uga socda dalka Jabuuti.

Guddoomiye  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay sida uu  hadalka u dhigay in Madaxwayne Farmaajo uu la  shiro  koox gooni u goosad ah .

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland intaas warkiisa ku daray   in   Beesha Caalamka ay uga fadhigayaan in aysan aqoonsan natiijada kasta oo shirka ka soo baxa.

‘’ Waa mid dano gaar ah ay ka leedahay Dowladda Federaalka’’ ayuu sheegay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Hadalkan ayaa Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland  ka sheegay furitaanka kal-fadhiga 46aad ee Golaha wakiilada maamulkaas.

Goobjoog News