Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa xeer ku soo saaray waqtiyada la soo gudbinaayo liiska wakiilada Puntland, xilliga ay tahay iney doortaan guddoonka iyo xataa doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa
Qoraalka Madaxweyne Gaas waxaa ka mid ahaa:
1. In beelaha Puntland golaha wakiillada u soo xushaan si waafaqsan dastuurka Puntland, una soo gudbiyaan guddiga anshaxa iyo xalinta khilaafaadka ilaa 10/12/2018.
2. Waxaa la furayaa kalfadhiga ugu horeeya ee golaha wakiilada Puntland ee cusub 01/01/2019, iyaga oo dhameystiran doona howshooda gaarka ah inta u dhaxeysa 1da ilaa 6da Janaayo 2019ka sida: guddoonka, guddiga doorashada iyo wixii la xiriira.
3. Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxaa ay dhaceysaa 08/01/2019
4. Waxaa xeer gaar ah lagu soo saari-doonaa magacaabista ansixinta xalinta khilaafaadka
Wareegtada Akhriso: