U bood dhigaalka

Puntland Oo Qaadacday Guddiga DF u Magacawdey Wada Hadallada Somaliland

Sheeko:Dalka

Dowlad goboleedka Puntland ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku qaadaceen guddiga uu madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo u magacaabay wada hadalka Somaliland,war-saxaafadeedka ka soo baxay ayaa  lagu yiri.

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay had iyo jeer u taagan tahay, soona dhaweyneysaa midnimada iyo dedaalada dhismaha dowladnimo iyadoo la marayo sida uu qabo dastuurka ku meel gaarka ah ee dowladda federaalka.

Haddaba, dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxa ay qaadacday magacaabidda matalayaasha wadahadalada Xukuumadda federaalka Soomaaliyeed iyo maamulka Soomaaliland.

Puntland waxay cadaynaysaa  in hanaanka loo maray matalayaasha ayna waafaqsaneyn dastuurka ku meelgaarka ah, lana hareer maray qodabkiisa 53-aad farqadda 2-aad oo u dhigan sidaan” marka wada-xaajoodyadu sigaar ah u saameynayaan danaha khuseeya dowlad-gobaledyada, Xukuumadda federaalku ergada wada xaajoodka geleysa waxaa kaabaayo wakiilo ka socda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka”.

Dowladda Puntland horay ayeey u cadeysay moowqifkeeda ku aadan wadahadalada Soomaaliland iyo dowladda federaalkaah, kaas oo ahaa in qadyadaas sigaar ah dowladda iyo maamulka Soomaliland.

Hadaba si looga gaaro wadahadaladaas xal waara oo miradhala in dowladda Puntland qeyb mug leh ka qaadato dedaaada iyo wadahadalada lagu baadi goobayo xal u helista qadyada Puntland iyo Soomaaliland.

Ugu danbeyn dowladda Puntland beesha caalamka iyo cid kastoo daneysa arrimaha  Soomaaliya la socodsiineysa, in guddiga la magacaabay  ay cadeyn u tahay in aan la rabin in xal iyo wadahadal dhab ah , wixii ka yimaadana waxaa mas’uul ka noqanayo dowladda federaalka.

Dhamaad

Goobjoog  News