U bood dhigaalka

Puntland Oo Soo Rogtay Fiiso Ay Sheegtay In Lagu Galayo Dalkeeda

Sheeko:Dalka, War

Wasaaradda amniga dowled gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntiland ayaa ku dhawaaqday in cid weliba oo ajnabi ah, oo soo galeyso deegaanada uu ka taliyo maamulkooda, gaar ahaan kuwa ka yimaada dalka dibadiisa laga doonayo fiiso.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil, oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in arrintaan looga dan leeyahay in lagu sugo amniga deegaanada Puntland, waxa uuna intaas ku daray amarkaan inuu samaynayo qof waliba oo Ajnabi ah oo imaanaya deegaanada Puntland.

Yuusuf oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri“ Annagu waxa aan ka hadnaynaa waxaa weeye dalka diyaarado laguma soo galo xuduudahana waa laga soo gala, waxyaabo badan ayaa jiro, waa inaan dalka koontaroolnaa amnigiisa iyo caafimaadkiisa waa wax aan xaq u leenahay, waana wax naloo idmaday”.

Wasiir ku-xigeenka oo hadalkiisa siiwato ayaa carabka ku dhuftay in  dadka Soomaaliyeed aanu quseynin sharcigaan Puntland ay waa jib ku tahay in ay ilaaliso xuduudaheeda“ Umadda  Soomaaliyeed, annagu wax dal ku gal ah in ay Puntland ku soo galaan, waxaan kawada hadalnay maahan, Puntland xaq ayeey u leedahay in ay koontaroosho xuduudaheeda”.

Dhanka kale, Yuusuf Maxamed Ismaaciil, ayaa ku booriyay dhammaan dowled gobaleedyada dalka ka jira in dadka dibadda ka imaanaya la koontaroolo caafimaadkooda iyo fayaqabkooda.

“ Cid waliba oo maamul sheeganeysa , waan ku boorinaynaa in ay dalka xuduudihiisa adkeeyaan, oo wax waliba Soomaaliya khatar ku ah ee ka soo galaya”.

Ugu daneyn wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in Puntland aysan aheyn meel qofkii rabo uu iska soo galo ee ay tahay dowled dhisan.“  Meel la iska soo galo ma ahan,  waa dowlad madaxweyne leh,  national security leh, wadanka inta aan maamulno haddii aan koontaroolno,  Soomaaliya inteeda kalena waan u sii gudbinaynaa”.

Goobjoog News