Puntland: Qoysas Ku Sumoobay Caano Ay Cabeen

Wararka ka imaanaya magaalada Qardho ee gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in Labo qoys ay ku sumoobeen caano ay cabeen, kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaaladaasi.

Illaa Sideed qof ayaa la xaqiijiyey in la dhigay isbitaalka magaalada Qardho, waxaana wararku sheegayaan in dhaqaatiirta ay aad ula tacaalayaan xaaladooda caafimaad.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, dadka sumoobay waxaa ku jira caruur, iyadoo hadda ay soo hagaageyso xaaladda caafimaad ee Lix ka mid ah dadkaasi.

Dhaqaatiirta ayaa iyaguna warbaahinta u sheegay in dedaal xooggan ay wadaan, islamarkaana dadkan ay ka badbaadeen xaaladdii qatarta ahayd ee ay ku jireen markii isbitaalka la geynayey.

Maamulka magaalada Qardho ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanka caanaha ay dadkan ku sumoobeen iyo sida ay wax u dhaceen.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW