Munaasibad kooban oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si wadajir ah loogu saxiixay heshiis Dowladda Soomaaliya looga cafiyay in ka badan Hal Bilyan oo Dollar,sheshiiskaas oo ay saxiixeen Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Mr. Richard H. Riley iyo Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige.