Soomaaliya waxay haatan u muuqataa inay u gudbayso wejigii ugu muhiimsanaa ee dhanka ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah, kadib markii markabka qodista shidaalka ee Turkiga, Çağrı Bey, uu soo gaaray xeebaha dalka, isagoo u diyaarsan inuu bilaabo qodista ugu horreysa ee shidaalka badda Soomaaliya.