Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay qaraar cusub oo ay u gudbisay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu doonayo in lagu qaado cunaqabatayntii saarneyd Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharaa, kaas oo lagu wado inuu toddobaadkan booqdo Aqalka Cad si uu ula kulmo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.