Shalay, Soomaaliya waxay u dabaal-degtay tallaabo taariikhi ah oo ka tarjumaysa horumar iyo biseyl dowladnimo, kaddib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu saxiixay sharciga dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.