U bood dhigaalka

QM oo Qamadi u soo dirtay Itoobiya

Sheeko:Amniga

Qaramada midoobay ayaa markii ugu horeysay u dirtay markab sida 23,000  tan oo sareen ama qamadi ah, dalka Itoobiya tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.

Markabkaan ayaa ka soo shiraacday dekedda Yuzhne ee dalka Ukraine, waxaana lagu wadaa in uu ku soo xirto dekedda dalka Jabuti.

Shixnaddaan ayaa ku soo baxday sumadda iyo magaca qaramada midoobay, waxaana loogu talagalay in gurmad loogu fidiyo dadka ay dagaallada iyo abaarta ay saameeyeen ee ku nool Itoobiya.

Dhamaadkii bishii hore ayay ahayd markii Ukraine iyo Ruushka ay Ankara ku saxiixdeen heshiis dib loogu bilaabayo dhoofinta qamadiga.

Dalka Itoobiya ayaa safka hore kaga jirta dalalka ay abarta aadka u sameeysay ee a diiwaan gelisay Qaramada midoobay, waxaana saameyn ku yeeshay dagaalka mudada labada sano ah ka socday dalkaas ee u dhaxeeyay Dowladda iyo TPLF.

Goobjoog News