U bood dhigaalka

Qoorqoor oo la Kulmay Ku xigeenka Ergeyga UN-ka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay ku-xigeenka Ergayga gaarka ah Qaramada Midoobey haweenayda lagu magacaabo KIkI Gbeho, waxaana ay kawadahadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada dalka.

Madaxweyne Qoorqoor  iyo Kiki ayaa intii kulanka uu socday waxaa ay sigaar ah uga  kawada hadlleen arrimo la xariira doorashooyinka golaha shacbka oo maraya heer gabagabo ah iyo arrimaha abaaraha ee ka jiro deegaanno dhowr ah oo hoos yimaado maamulka Galmudug iyo sidii loo heli lahaa gargaar deg deg ah oo la gaarsiiyo dadka iyo duunyada ay saamaysay

Abaarta ka jirta deegaannada Galmudug ayaa waxaa ay kamid tahay abaarta oo si guud ugu dhufatay dalka,  waxaa ay siweyn u saamaysay dadka iyo duunyada,  deegaannada qaar ka mid ah laga soo warinayaa in biyo la,aanto ay gaartay heer sano oo dadkii iyo duunyada waxaana ay bilaabeen in ay u barakacaan magaalooyinka si biyo iyo baad ay u helaan.

Goobjoog News