U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamsa oo u ambabaxay Masar, Akhriso Ujeedka Safarka

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Masar.

Booqashada Masar ee ra’iisulwasaaraha ayaa qaadan doonta muddo saddex cisho ah, waxaana uu halkaas kulan kula qaadan doona mas’uuliyiinta dalka Masar oo uu kamid yahay dhiggiisa Mostafa Kamal Madbouly.

Xasan Cabdi Barre ayaa kala hadli doona dowladda masar iyo madaxdeeda sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka labada dhinac.

Wafdiga ra’iisulwasaraha Soomaaliya ayaa waxaa qayb ka ah wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabduqadir.

Goobjoog News